IMAAM SHAAFICI
     
SABRIYE HOME PAGE

SOMALI LINKS

BUUGGA MARTIDA

 IMAAM SHAAFICI

Photoalbum

 

TAARIIKHDII IMAAM SHAAFICI
  IMAAM SHAAFICIMagaciisa iyo Nasabkiisa:Waxa weeye Maxamed (Abuu Cabdullaahi) bin Idriis binil-Cabbaas bin Cusmaan bin Shaafic bini-Saa'ib bin Cubayd bin Cabdi-Yaziid bin Haashim binil-Muddalib bin Cabdi-Manaaf. Al-Muddalib waxa weeye mid kamid ah afartii wiil ee Cabdi-Manaaf oo kala ahaa: Al-Muddalib (Awoowihii Imaam Shaafici), Haashim (Awoowihii Nabiga (SCW)), Cabdi-Shamsi (Awoowihii Umawiyiinta) iyo Noofal (Awoowihii Jubayr bin Mudcim).Aabbihiis iyo Awoowayaashiis:Waxba ka garan meyno Imaam Shaafici aabbihiis, aan ka ahayn in uu kasoo jeeday tuulada Tabaalah oo ka tirsan dhulka loo yaqaan Ardi Hutaamah oo ku dhaca waddada loo maro dalka Yaman. Madiina ayuu ku noolaa, kolkiise uu il ka garan waayey (maadaama uu ahaa nin hanti yar) ayuu u guuray Casqalaan (Shaam) ilaa uu ku geeriyooday.Awoowihiis Al-Cabbaas bin Cusmaan waxa uu kamid ahaa ragga Xadiiska weriyey iyagana laga weriyey, halka Abuullankiis (Awoowe labaadkiis) Shaafic binu-Saa'ib (Magaca Shaafici halka uu ka keenay weeyee), uu ka ahaa Saxaabi nolol ku gaaray Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) inkastuu da'yaraa oo uu markaas uun soo hana-qaadayey.Saa'ib bin Cubayd (Shaafic aabbihiis) wuxuu markii hore ahaa gaal, waxana uu maalintii Badar calanka u siday reer banii Haashim binil-Mudhalib. Maxbuus ahaan buu ugu dhacay gacanta Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam), dabeetana intuu isfurtay (Madax-furasho naftiisa ka bixiyey) buu islaamay. Kolkii la weeydiiyey: (Oo maxaad u islaami weyday intaadan xoolaha madax-furashadaa iska bixin), waxa uu ku jawaabay: (Ma dooneyn inaan Mu'miniinta ka xasdo xoolo ay iga doonayeen). Waxaa la sheegaa in Saa'ib uu suurad ahaan u ekaa Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam).Cubayd bin Cabdi Yaziid, hooyadii waxay ahayd Al-Shifaa' bintil-Arqam bin Fadlah, aabbihiis Yaziid bin Hishaam binil-Mudalibna waa ka sheekadiisa kutubbada qaar lagu sheegay isaga iyo xaaskiisii Um-Rakaanah iyo furriinkoodii iyo isku soo celintoodii uu Nabigu (Sallallaahu calayhi wasallam) isku soo celiyey.Sidaas daraadeed, Shaafici afar awoowayaalkiis kamid ah waxa lagu tiriyaa inay Saxaabadii Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam) kamid ahaayeen waxanay kala ahaayeen; Cabdi Yaziid, Cubayd, Al-Saa'ib iyo Shaafic bini-Saa'ib. Haashim binil-Mudhalib waxa adeer u ahaa Haashim bin Cabdi Manaaf oo ahaa Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) awoowe labaadkiisii. Al-Mudhalib bin Cabdi Manaaf waxa uu adeer u ahaa Cabdil-Mudhalib (Rasuulka awoowihiis), isagaana korintiisa la wareegay kolkuu aabbihiis dhintay ilaa uu isna ka dhinto. Mudhalib iyo Haashim (labada wiil ee Cabdi Manaaf) waxay ahaayeen walaalo isjecel oo saaxiibbo ah, saaxiibtinnimadaasi oo u gudubtay carruurtoodii, xiriirkooda iyo saaxiibtinnimadooduna marnaba kalama aanay go'in laga soo billaabo xilligii Jaahiliyada ilaa iyo xilligii Islaamka.Shaafici Hooyadiis:Dadka taariikhda raad raaca inta badan waxay isku raaceen in Imaam Shaafici hooyadiis ay kasoo jeedday reer Yaman, gaar ahaanna ka tirsanayd qabiilka banii-Asad oo uu Imaamka laftiisu ku faani jiray. Waxa la sheegaa in kolkuu Masar tegay ay dadka qaar ku casuumeen inuu marti u noqdo, ha yeeshee uu diiday kuna yiri: ( Waxan doonayaa inaan ku dego abtiyaashay reer Asad), uuna ku degay. Waxa iyana jira dad ku dooda  in Shaafici hooyadiis ay ka farcantay Cali bin Abii-Dhaalib (Radiyallaahu canhu), kolkay dhinaca hooyadiis ugu abtirinayaanna yiraahda: Maxamed bin Faadimah binti Cubaydillaah bin Al-Xasan bin Al-Xusayn bin Cali bin Abii-Daalib.Hooyadiis Alle ha-u-naxariistee waxay ahayd marwo isku darsatay caqli iyo cibaado badni, barbaarintiisa wanaagsan iyo toosintiisana gacan weyn ka geysatay, lana oran karo ayadaaba sabab u ahayd.Dhalashadiisii:Shaafici waxa uu dhashay maalin Jimco ah oo ku beegnayd maalintii ugu dambeysay bishii Rajab sanadkii boqol iyo kontonaad ee Hijriga, waana isla sanadkii uu geeriyooday Imaam Abuu-Xaniifa ibnu Nucmaan oo ahaa sheekhii fuqahada reer Ciraaq.     Culimadu way isku khilaafeen magaaladii uu ku dhashay Shaafici, waxase loo badan yahay inuu ku dhashay gobolka Gaza, dabeetana loo qaaday Casqalaan, halkaasi oo kolkuu laba jirsaday looga sii gudbiyey Makka oo uu ku barbaaray.Marxaladdii Koowaad ee waxbarashadiisa:Shaafici waxa uu ku koray kuna garaadsaday dhulkii awoowayaashiis Maka, halkaasi oo waxyigu ku soo degay, Islaamkuna ku billowday, culimada muslimiintana ciso gaar ah ku lahayd, loona soo cilmi iyo cibaado doonan jiray.Maka waxa ugu qiime badan oo ku yaal waxa weeye Masjidul-Xaraamka, oo tiir kasta iyo xagal kasta oo kamid ah laga heli jiray nin sheekh ah oo wacdiyaya ama mas'alo ka iftoonaya amaba laba mas'ala isku haysta oo isu jawaabaya inta kalena ay dhagaysanayaan. Bartamaha waxa qotonta Kacbadii sharafta lahayd oo dadku aanay ka daalin dawaafiddeeda har iyo habeen ilaa inta qiyaamuhu ka dhacayo. Waxyaabahaasi oo dhan buuna Shaafici indhaha ku kala qaaday oo ku dhex garaadsaday. Halkaasi buuna bay'adaasi dhinaciisa ka dabaashay, si uu booskiisa dabiiciga ah uga xirto culimada iyo dadkaasi sharafta leh. Hooyadiis waxay doontay inay u geeyso macallin bara qoraalka iyo akhriska, sidii caadada ahaan jirtay, ha yeeshee ma aanay haysan wax ay macallinkaas siiso mood iyo nool midna, waxase uu macallinkii raalli ka noqday in kolkuu dersigu dhamaado uu dugsiga iska soo galo, waa intaasuu ardada wax ka faa'iideysto eh. Kolkuu haddaba macallinkii arkay in Shaafici aad u fahma badan yahay  oo Aayadda uu ardayga kale u meerinayo uu asagu kahor qabanayo ayuu ku soo daray ardadii  iyadoo weliba shuruud la'aan ah. Sidaasi buu Shaafici Qur'aanka dusha uga qaybay isagoo toddoba jir ah, taasi oo ahayd marxaladdii koowaad ee waxbarashadiisa.Marxaladdii Labaad ee Waxbarashadiisa:Markaas kedib Masjidka ayuu galay si uu cilmiga uga uruursado afafka culimada kala duwan. Waxa uu muujiyey dadaal iyo dardar iyo dihni furnaan (fahmad badni), inkastooy noloshu ciriiri ku ahayd oo aanu mararka qaar heli jirin wax uu warqadda uu wax ku dhiganayo ku iibsado, waxanay dantu ku kallifi jirtay inuu lafaha la daadiyey uruursado, dadka safarrada ahna awrta u dabro si uu Daraahim uga helo. Duruufaha haystay kolkuu arkay buu nin ay qaraabo ahaayeen kula taliyey inuu shaqaysto oo wax barashada dib u dhigto. Kolkuu toban jirsaday,  Shaafici waxa uu dusha ka qaybay kitaabka lagu magacaabo Al-Muwadha' ee uu Imaam Maalik qoray, intaanu isagiiba arag. Isla marxaladdaasi carruurnimo ayuuna go'aansaday inuu Gabayada, Adabka, Balaaqada iyo Murtida Carabta iyo luqada Fusxada ah si fiican u barto, maadaama xilligaasi qofkaan intaas aqoon loo haystay in uu yahay qof aan goobaha ka doodi karin, dadkana wax dhimman. Baadiyaha ayuu u aaday arrintaas, toddobo iyo toban sano ayuuna reero aanu garanayn la guurayey oo la degayey ilaa uu noqday ninka ugu murtida iyo maansada badan, kedibna waxa uu ku soo laabtay magaaladii Makka, halkiina kasii watay Fiqhigii iyo barashadii diinta.Sheekhii xaramka Makka Muslim bin Khaalid Al-Zinji ayaa ahaa culimadii Shaafici wax bartay kii ugu horreeyey. Sheekhu kolkuu arkay sida uu Shaafici muddo gaaban gudeheed wax ugu bartay iyo fahma badnaantiisa ayuu u oggolaaday inuu mas'aladaha diinta ka iftoon karo. Taas bayna ahayd marxaladdii labaad ee waxbarashada Shaafici.Intiiba Shaafici taqaannay dhammaantood waxay ka sheekeeyeen oonka uu u qabay cilmiga.  Kolkii uu idlaystay wixii cilmi Makka yaallay, loona oggolaaday inuu iftoodo, welibana uu billaabay inuu duruus ka bixiyo Xaramka, waxa la gaaray waqtigii uu socdaal kale u geli lahaa xaggaa iyo Madiina oo uu sheekh ka ahaa Abuu-Cabdullaahi Maalik ibnu Aanas.Socdaalkiisii Madiina:Madiina waxay ahayd magaalada ugu dhow dhaqanka Islaamka xag kastaba. Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu Madiina kaga tegay in ka badan laba iyo toban kun oo saxaabi. Laba kun ayuun baana ka baxday oo dunida gashay, halka tobankii kun ay degeen ilaa ay kaga dhinteen. Haddaba culimada Madiina waxay u arkayeen in haddii Xadiisku Xijaaz (Makka, Madiina, Jeddah iyo Dhaa’if) ka baxo uu noqon karo mid been ah amaba wax lagu daray, waqtigaasina lama qiran jirin aqoonta ninkaan Madiina wax ka baran, oo weliba ayada Imaam ka noqon. Saa daraadeed nin kasta oo doonaya inuu cilmiga heer ka gaaro waxay ahayd inuu Madiina u baqoolo waxna kasoo barto. Kolkuu damcay inuu Madiina aado ayuu Waaligii (Guddoomiyihii gobolka) Makka u tegey, kana qaatay warqad qoraal ah oo ku socotay Waaligii Madiina si uu ugala hadlo Imaam Maalik. Imaam Shaafici oo laftiisu ka sheekeynaya wixii ka qabsaday socdaalkiisii Madiina, waxa uu yiri: (Kolkaan Madiina tegey ayaan warqaddii u geeyey Waaligii. Kolkaas buu intuu akhriyey igu yiri: Wiil yahaw inaan Madiina ilaa Makka lug ku jaro anoo weliba caga-cad ayaa la ii qaatay intaan kula aadi lahaa albaabka Imaam Maalik, darxumana waxa aan dareemaa oo qura kolkaan albaabkiisa istaago. Markaas baan ku iri Waaligii: (Eebbe amuurahaaga ha toosiyee maad Imaamka cid u dirtid kuugu  yeedha). Markaas buu Waaligii yiri: (Iskaba daa taase haddaan aniga iyo inta ila socotaa dantaan ugu tagno ka heleyno ayaanba guul joognaa).(Galabtii baan aniga iyo Waaligii aadnay gurigii Imaamka, albaabkii baynu garaacnay, markaas bay adeegto madoobi soo baxday. Waaligii baa markaa ku yiri: (Usheeg Maalik inaan iridka joogo), saa gudeheey u laabatay oo muddo aan yarayn inaga maqnayd. Mar labaad bay nagu soo baxday iyadoo leh: (Mowleheygu “ninka aan u shaqeeyaa” wuu ku salaamayaa, wuxuuna ku leeyahay hadday arrintu tahay mas'alad diini ah warqad iigu soo qor, jawaabtana wuu kuu soo diri, haddii ay sheeko tahayna waad garanaysaa maalinta majliska la'isugu yimaado ee iska bax). Markaas buu Waaligii adeegtadii ku yiri: (U sheeg waxaan u wadaa warqad muhiim ah oo kaga timid Waaliga Makka eh). Kolkaas bay intay gudaha gashay, xoogaa kedib nagu soo baxday ayadoo kursi sidda, dabeetana meel agtayada ah bay dhigtay, mise waaba Maalik oo aqalkii kasoo baxaya. Waa sheekh dheer oo garkiisa iyo haybaddiisa wax loo dhigo aan la arag. Waaligii baa markaas warqaddii u dhiibay, kolkuu akhriyayna intuu tuuray yiri: (Subxaanallaah!, ma cilmigii Rasuulka "sallallaahu calayhi wasallam" ayaa gaaray heer waraaqo lagu qaato). Kolkaas baan arkay in Waaligii uu ka gaabsaday inuu wax yiraahdo.  Saan intaan xoogaa hore usoo durgay ku iri: (Eebbe ha ku hagaajiyee, waxaan ahay nin arday ah, …), xaalkeyga iyo qisadaydana uga sheekeeyey. Kolkuu hadalkeygii dhegeystay buu saacad in ku dhow eegitaan iigu dhaqaaqay. Kolkaasuu igu yiri: Magacaa? Saan iri: Maxamed. Suu yiri: Maxamedoow Alle ka cabso, macsina ka dheerow, waxaad noqon doontaa nin waxgal ah, karaamana lehe). Shaafici waxa uu wax ka baranayey Imaam Maalik ilaa uu Imaamku ka geeriyooday sanadii 179 Hijriyada, kolkaasi oo uu Shaafici 29 jir ahaa. Shaafici kama uusan baran Imaam Maalik kitaabka Al-Muwadha’ oo keliya, balse waxa uu ka bartay muddadii labada sano ahayd ee uu la joogay wax allaale iyo wuxuu Imaamku ka yaqaannay Xadiis, Fiqhi, Fatwo iwm, maadaama uu aad u fahmo badnaa, welibana la sheego inuu kitaabka Al-Muwadha’ dusha kaga qaybay sagaal maalmood oo qura. Haddaba ka warran laba sanadood cilmi intee le'eg ayuu ku baran karay?. Kolkuu Imaam Maalik geeriyooday, Shaafici waxa uu diin kororsiga kasii watay culimadii markaas Madiina joogtay, sidaas buuna intuu soo koobay cilmigii reer Madiina, ayuu Makka kula soo laabtay.Socdaalkiisii Yaman:Asagoo haddaba Makka jooga bay qolo reer Quraysh ahi kala hadleen Waaliga Yaman (Xammaad Al-Barbari) oo markaas Makka yimid inuu Shaafici Yaman u kexeeyo. Waxa markaas Yaman Qaaddi ka ahaa Muscab Al-Zubayriy. Shaafici markuu Yaman tegey hore loogama dhiibin Mansib weyn, balse waxa uu shaqaale ka noqday Maxkamaddii markaas jirtay, ha yeeshee waxa uu muddo gaaban kasbaday kalsoonidii dadka, isaga oo ku caan baxay caddaalad, aqoon iyo shaqo jacayl. Caan kama noqon oo qura Shaafici Yaman, balse warkiisu waxa uu gaaray ilaa Makka, ayadoo dadka reer Yaman ee Makka soo aada bisha Rajab ay asaga iyo ammaantiisa afka uun ku hayeen. Intaas kedib waxa Qaaddi looga dhigay Najraan. Najraan waxa degganaa qolada la yiraahdo banuu Xaarith oo caan ku ahaa inay Waaligii loo diro laaluushaan, ha yeeshee taa kama aanay helin Shaafici, caddaalad buuse wax ugu qaybiyey, dabeetana waxaba loo dhiibay Maxkamaddii Yaman oo dhan.Reer Najraan iyo laaluush la cararkooda buuba khaatir ka joogaye, Yaman haddii loo dhiibay oo ayadu markaas ahayd halka Najraanta lafteeda laga xukumo, waxa ku sii kordhay culayskii, cadaadiskii iyo dadkii dibindaabyada la doonayey. Kolkay si kale wax uga qaadi waayeen waxay gaartay heer ay mu'aamaro u maleegaan oo Amiirul-Mu'miniinka (Haaruun Al-Rashiid) ku dacweeyaan.. Ciraaq baa looga yeeray iyo inuu Haruun Al-Rashiid hor istaago isagoo gacmaha ka xiran, tuhmadiisuna tahay inuusan citiraafsanayn dowladdii markaa jirtay.  Mu'aamaradaas loo maleegay wuxuu kaga badbaaday amar Ilaah iyo aftahannimadiisa iyo aqoontiisa.Intuu Shaafici Ciraaq joogay oo aan la xaddidin, waxa uu Madhabkii Imaam Abii-Xaniifa ka akhristay sheekhii reer Ciraaq Maxamed bin Al-Xasan, waxana uu si fiican u fahmay farqiyada u dhexeeya Madhabadihii uu Makka, Madiina iyo Ciraaq kusoo kala bartay.Kusoo laabashadii Makka:Makka ayuu Shaafici kusoo laabtay, waxana uu billaabay inuu fiiro ugu noqdo Fiqhiga iyo usuushiisa iyo furuucdiisa. Waxa uu bartay xifdiyeyna cilmigii culimadii tagtay iyo kuwa jooga intaba. Waa uu isbarbar dhigay kana qaatay Axaadiista, iftooyinka iyo ijtihaadka kuwooda kitaabka Eebbe iyo sunnada Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallama) ugu dhow. Imaam gaar ah si gaar ah uma uusan garab siin, ha yeeshee Imaam kasta waxa uu ka qaatay wixii uu aad ugu saxsanaa waxana uu iska tuuray meeluhuu ku liitay, isaga oo ka baqayey qaadashata wax kasta oo uu is lahaa armeey ka weecdaan waddadii Eebbe iyo Rasuulkiisu jeexeen.Duruustiisii Xaramka Makka:Shaafici waxa uu hormuud u noqday culimadii xilligaas jirtay, waxana uu hogaanka u qabtay cilmiga Ijtihaadka. Waxa uu nuuriyey usuushii, waxa uu dejiyey qaaciddooyinkii, waxana uu billaabay inuu duruus ka bixiyo Xaramka Makka. Waxa dhegeysi ugu yimid culimadii ayagu is moodi jiray inay cilmiga diinta meel sare ka gaareen, waxana ay noqdeen ardadiisii. Waxa ardadaas kamid ahaa Imaam Axmad ibnu Xambal, oo isagu Makka usoo aaday si uu culimadeeda ula kulmo, culimadaas oo uu kamid ahaa Sufyaan bin Cuyeynah. Kolkii Imaam Axmed uu tegey Masjidul-Xaraamka waxa ishiisu qabatay Shaafici oo uu Ciraaq ku garanayey, kolkii uu dhegeystayna waxa uu arkay sida uu u fahamsan yahay kitaanka Eebbe iyo sunnada Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam). Waxa uu ka bartay cilmiga usuusha iyo qawaacidda oo uusan weligiisba hore u maqal.Isxaaq bin Rahawiyah waxa laga weriyey inuu yiri: (Axmad ayaan Makka wada tagnay markaasuu igu yiri kaalay aan ku tuso nin asagoo kale aanay weligaa ishaadu arage, markaasuu Shaafici ii geeyey).Kitaabkiisii Ar-Risaalah:Shaafici caannimadiisa iyo cilmi aqoontiisa iyo weliba qaababka cusub ee loo baaro qawaacidda iyo usuusha uu dejjiyey way dhaaftay Makka, waxanay gaartay Ciraaq. Culimadii Ciraaq waxay ogaadeen qiimaha waxa uu dadka barayaa ay leeyihiin. Waa taas haddaba ta ku xambaartay Imaamkii Ciraaq Imaam Cadirraxmaan bin Mahdi inuu Shaafici oo Makka jooga ka dalbado inuu dejiyo kitaab uu ku qorayo tafsiirka Qur'aanka kuna koobayo aaraa'dii culimadii Qur'aanka fasirtay kuwa loogu aqbali ogyahay iyo weliba Aayadaha iyo Axaadiista isku ah Naasikha iyo Mansuukha, kolkaas buu u dejiyey kitaab uu u bixiyey Ar-Risaalah. Culimada qaar baa ku dooda inuu kitaabka ku dejiyey asagoo Baqdaad jooga.Socdaalkiisii Ciraaq:Waa markii labaad ee uu Ciraaq tegayo waana sanadkii 195 Hijriya, ha yeeshee markaan ma xirxirna, balse waxa uu socdaalkiisu ku lug lahaa cilmiga. Markaan waxa socdaalkiisa kasii hormaray warkiisa iyo aqoontiisa oo ay tebiyeen culimadii Baqdaad ee Makka booqatay. Waxa Ciraaq joogay laba nooc oo culimo ah; qaar micnaha Xadiiska daahirka uun ka qaata iyo qaar siday u shiidayaan micno aanuba lahayn u yeelaya. Waxa haddaba sugayey labadaas qolo, waxa keliya oo uu isaga celin karayeyna waxay ahayd inuu ku hubaysan yahay cilmi xujooyin cadcad wata.Duruustiisii Masjidka Baqdaad:Waxa uu durbaba Shaafici kolkuu Baqdaad galay afka saaray Masjidkii Baqdaad ee la oran jiray Al-Jaamac Al-Qarbiyyi, halkaas oo culuunta diinta laga baran jiray, kana billaabay duruustiisii. Culimadii Baqdaad baa isugu timid goobtii uu duruusta ka bixinayey, ayaga oo qaar u yimid inay tijaabiyaan cilmigiisa, qaar kalena inayba ceebeeyaan madhabtiisa cusub, ha yeeshee kolkeey dhegeysteen usuushii, qawaciddii, bayaankii iyo xujooyinkii uu goobta la yimid, bay intay dhammaantood la dheceen madhabtiisa cusub, iska qubeen waxay hore u haysteen isagana raaceen. Laba sano oo qura ayuu Shaafici joogay Ciraaq kolkuu madhabtiisa ku oogay, tiirarkana u muday cilmigiisa, kuna abuuray arday si wanaagsan uu wax u baray oo dunida gaarsiisa cilmigiisa, ayuu ku laabtay Makka.Socdaalkiisii Saddexaad ee Ciraaq: 

Wax badan kama uusan maqnayn Ciraaq ee mar kale ayuu afka soo saaray sanadkii 198 Hijriya, ha yeeshee markaan bilo ayuun buu joogay, dabeetana u baxay Masar. Sida muuqata booqashada Baqdaad waxay ahayd uun si uu usoo indha-indheeyo beertii uu halkaas ku beeray siday u baxayso iyo sida madhabtii uu halkaas kaga tegey loo haysto loona baranayo.

Socdaalkiisii Masar:Kolkuu Baqdaad ka noqday, wax badan muu joogin Makka, waxana uu u baqoolay xaggaa iyo Masar. Sababta uu Imaamku Masar u aaday waxay ahyad kedib kolkuu Cabbaas bin Cabdillaahi binil-Cabbaas bin Muusa bin Cabdillaahi bin Cabbaas (Nabiga adeerkiis) oo ahaa waaliga Masar uu ka dalbaday inuu u raaco Masar, isna uu ka yeelay.Maalintii Khamiista ee bisha Rabiicul-Awal (Mowliid) ay koowda ahayd sanadkii 199 Hijriya, ayuu Imaam Shaafici Makka ka baxay Masarna afka saaray isagoo ay la socdaan wiilkiisii Maxamed (Abu Cusmaan) iyo xaaskiisii Xamiidah oo ku abtirsatay Cusmaan bin Caffaan (RC) iyo labadiisii gabdhood Zeynab iyo Faadumo. Kolkuu Masar tegay Shaafici wuxu ku degay reer Asad (Azd) oo abtiyaalkiis ahaa, gaar ahaan waxa si fiican usoo dhoweeyey una marti qaaday, ilaa uu ka geeriyoodana gurigiisa joogay, saaxiibkiis Cabdullaahi bin Cabdil-Xakam, kolkuu Shaafici geeriyoodayna waxa lagu duugay qubuurtii reer Cabdil-Xakam.Socdaalkiisii Masar kama aanu dhib iyo dheef yarayn kiisii labaad ee Ciraaq. Ciraaq waxa uu ku allifay kitaabkiisii Ar-Risaalah oo ka hadlayey Usuulu-Diinka, wixii furuuc ah iyo wixii daliil ahna waxa uu u allifay kitaabkiisii Al-Xujjah. Ha yeeshee markuu Masar yimid dib-u-habayn buu ku sameeyey kitaabkii Ar-Risaalah, waqtigaan la joogana kitaabka Ar-Risaalah ee dadku ay haystaan waa kii uu Masar ku allifay. Sidoo kale waxa uu dib u shaandheeyey kitaabkiisii Al-Xujjah, waxana uu ka soo saaray kitaab cusub oo uu u bixiyey Al-Umm, waana qaybo kamid ah kitaabkii Al-Xujjah iyo isku dar kutubbo cusub oo uu Masar ku allifay.Haddaba haddaad maqashid madhabkii "hore" ee Imaam Shaafici, ogoow waxa loola jeedaa kutubbadii uu allifay intuu Ciraaq joogay, gaar ahaan Al-Xujjah, haddiise lagu yiraahdo madhabkiisa cusub, waxa loola jeedaa kitaabka Al-Umm. Kutubbo kale oo fara badan ayuu Masar ku allifay sida kitaabka Usuulul-Fiqhiga, kitaabka Al-Qassaamah, kitaabka Al-Jizyah, kitaabka Qitaal Ahlul-Baqyi, iwm.Kolkuu Masar yimid Imaam Shaafici waxay halkaas dadka badankiisu ku dhaqmi jireen madhabkii Imaam Maalik, xoogaa yarina madhabkii Imaam Abii-Xaniifah, ha yeeshee isla markii ay dadku ogaadeen madhabka cusub ee Imaam Shaafici ayeey qaateen. Saciid Al-Ayli nin la oran jiray oo reer Masar ahaa waxa laga weriyey inuu yiri: (Shaafici oo kale ma aanan arag, Masar ayuu noogu yimid, waxana nala yiri waxa yimid nin reer Quraysh ah, markaasaan u tagnay asagoo tukanaya, ma aynaan arag ruux ka salaad wanaagsan, kana weji qurxoon. Markuu hadlay ma aynaan arag ruux ka hadal fiican, goobtii baanan ku jeclaannay oo ku raacnay).Duruustiisii Masar:Shaafici intuu Masjidka salaadda subax ku tukado, ayuu majliskiisa fariisan jiray dabeetana ardadu kusoo xoomi jireen. Waxa usoo hormari jiray ardada barata Qur'aanka iyo micnihiisa, kolkay qorraxdu soo baxdana intay ka istaagaan baa waxa beddeli jiray ardada Xadiiska, dabeetana kuwa luqada Carabiga iyo Naxwaha ilaa duhur laga gaarayo, dabeetana lagu kala dareeri jiray.     Ibnu Cabdil-Xakam waxa uu yiri: (Shaafici oo kale maynaan arag, waxa u imaan jiray culimada Xadiiska ku xeesha dheer, kolkaasay weydiin jireen, markaasuu intuu uga jawaabo weliba jawaabta iyo kala dhigdhigga ku dheeraan jiray, una micneyn jiray xitaa faahfaahinnada yaryar ee ayan ayagu u fiirsan jirin, markaasay ka tegi jireen ayagoo yaabban. Waxa markaas u imaan jiray culimadii Fiqhiga mucaarid iyo muxaafid intaba, kamana aanay istaagi jirin ilaa ay u garaabaan madaxana u ruxaan aqoontiisa, waxa markaa u imaan jiray qoladii suugaanta iyo gabayada markaasuu gabayadii Carabta hadba kay ula yimaadaan micnihiisa iyo maqaamkiisa iyo xikmadda ka dambaysa u kala dhigdhigi jiray).Jirradii Shaafici iyo Geeridiisii:Shaafici Alle ha u naxariistee waxa lagu ibtileeyey cudurka Baabasiirka, cudurkaas daraaddiisna dhiig baa si joogto ah uga socon jiray. Waxa xitaa mararka qaar dhici jirtay in intuu faras fuulo dhiiggu gondihiisa ka hooroCid u jirratay sida Shaafici u jirraday way yareyd, waxana daaliyay oo awooddii ka qaaday dhiiggaasi har iyo habeen ka socday. Waxase la yaab leh amaba aynu dhihi karnaa mucjiso in afar sanadood oo uu cudurkaasi hayey aanu maalinna dadaalkiisii ku saabsanaa diin fidinta, cilmi baarista, kutubbo allifidda, iwm., kala joojin sidii ayadoo daawadiisuba ay dadaalkaasi ku jirto.Shaafici si ba'an buu u jirraday, cudurkuna si xun u dilooday. Malakul-Mowt baa albaabkiisa istaagay asaga oo ajashiisa uun sugaya. Kolkii tiisii soo dhawaatay buu mid kamid ah ardadiisii usoo galay oo weydiiyey: (See tahay hadda?), markaasuu ugu jawaabay : (Waxaan ahay nin adduunyada ka safraya, asxaabtiisii sagootinaya, koobkii geerida ka cabaya, xagga Eebbena u arooraya. Wallaahi baan ku dhaartaye waxan kala garan la'ahay inay nafteydu Janna u socoto oon u hambalyeeyo iyo inay Naar geleyso oon u tacsiyeeyo), markaasuu ooyay.Asagoo xaalkiisu saa yahay baa waxa usoo galay nin la oran jiray Yuunis bin Cabdil-Aclaa, markaasuu Shaafici ku yiri: (Abaa Muusoow, igu akhri Suuradda Aali-Cimraan wixii ka dambeeya Aayadda 120, iguna boobsii oo ha igu daahin. Waan ku akhriyey buu yiri, kolkaan istaag is irina wuxuu igu yiri : (Ha iga tegin waan tabaaleysnahaye).Imaam Shaafici waxa uu geeriyooday salaadda Cishaha dabadeed habeen Jimco soo geleyso oo ku beegnayd malintii ugu dambeysay bisha Rajab (Sabbuux), waxana la duugay maalintii Jimcaha ee ay bisha Shacbaan (Soon-dheere) koowda ahayd sanadkii 204 Hijriyada, waxana uu markaas jiray afar iyo konton sano (waa sida loo badan yahaye). Waxa lagu duugay qabuuraha banii Zahrah oo loo yaqaan Turbadii ibnu Cabdil-Xakam, qabrigiisana reer Masar way wada garanayaan, wayna weyneeyaan oo siyaartaan.     Eebbe ha u naxariisto Imaam Shaafici, annagana cilmiguu nooga tegey ha inagu anfaco …….. Aaamiin. 
Sabriye Macallin Musse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota - USA
 



 


Add your link here


Add your link here