SABRIYE HOME PAGE
     
SABRIYE HOME PAGE

SOMALI LINKS

BUUGGA MARTIDA

 IMAAM SHAAFICI

Photoalbum

 

BISHAARO ... BISHAARO ... BISHAARO ... BISHAARO

Buug cusub ... Buug cusub ... Buug cusub ... Buug cusub ... Buug cusub

BARBAARINTA UBADKA


BARBAARINTA UBADKA 

HORDHAC

Mahad oo dhan Eebbaa iska leh. Waan ku mahadinaynaa, waan kaalmo weydiisanaynaa, waan dembi-dhaaf weydiisanaynaa, waanan u tawbad keenaynaa. Eebbe waxan ka megan-gelaynaa sharta nafteenna iyo camalkeenna xun. Qofkuu Eebbe hanuuninayo cid lumin kartaa ma jirto, qofkuu luminayana cid hanuunin kartaa ma jirto. Waxan qirayaa Alle mooyee Ilaah kale in aanu jirin. Waxa kaloon qirayaa Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inu Addoonkii Alle iyo Rasuulkiisii inu yahay.

(Dadoow! ka cabsada Rabbigiinna hal naf "Aadam" idinka abuuray, nooceedii kalena "Xaawo" iyada ka uumay, rag iyo dumar fara badanna ka baahiyay. Kana cabsada Eebbaha aad magaciisa isku tuugtaan iyo qaraabannimada idinka dhaxaysa "inad goysaan", Eebbena waa kii idin kormeeraya "amarkiisa inaad fulinaysaan iyo in kale") (An-Nisaa':1)

(Dadka "Xaqa" rumeeyoow! Eebbe cabsidiisa dhabteeda "intaad kari kartaan" ka cabsada, hana dhimannina adinkoon muslimiin ahayn) (Aali-Cimraan: 102).

(Dadka "Xaqa" rumeeyoow! Eebbe ka baqa hadal toosanna ku hadla. Acmaashiinna si uu idiinku hagaajiyo, dembiyadiinnana idiinku dhaafo, qofkii Alle iyo rasuulkiisa warkooda maqlaana guul weyn buu guulaystay) (Al-Axzaab: 70-71)

Intaas keddib,

Eebbe aadanaha si aad iyo aad ah ayuu u sharfay, dunida oo dhanna isaguu u dulleeyay, deegaan iyo deeq intabana ka siiyay. Haddaba, Eebbe galladdaas uu aadanaha u galay isagoo ugu abaal sheeganaya wuxuu yiri:

(Dhab ahaantii aadanaha waynu sharafnay waxaanan ku qaadnay bad iyo berri, waxanan ku quudinnay irsaq wanaagsan, waxanan doorasho ka doorannay abuur badan ooynu abuurnay) (Al-Israa': 70).

Eebbe waxa kaluu aadanaha ugu abaal sheegtay inuu lammaankiisii isaga ka abuuray si uu nafta ugu qaboojiyo, rabitaankiisa uga haqabtiro, ubad iyo faracna uga helo.

Wuxuu yiri:

(Alle wuxuu idiin sameeyay xaasas idinku nooc ah, xaasaskiinnana wuxuu idinka siiyay ubad iyo farac, wuxuuna idinku galladaystay irsaq wanaagsan) (An-Naxli: 72).

Haddaba, kol hadduu Eebbe aadanaha sidaas u sharfay iskama aanu uumin ee intuu uumay buu taladiisa u dhiibay, wuxuu doonayo faray, wuxuu diidayana ka reebay. Waa uu la dardaarmay, waanu imtixaanay.

Eebbe maalinta qiyaamo ayuu aadanaha kulmin doonaa, wuxuuna weydiin doonaa wixii uu faray inay fartoomeen, wixii uu ka reebayna ka hareen, amarkiisii iyo dardaarankiisiina fuliyeen.

Waxaan Alle ka baryayaa tawfiiqda inu ina waafajiyo, jidkii toosnaa ee kitaabkiisa iyo sunnadii Suubbanihiisana (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ina haleeshiiyo, isagaa wax walba maqla wax walbana arki oge.

Waxyaabaha uu Eebbe aadanaha faray waxaa kamid ah daryeelka qoyska iyo ubadka, barbaarinta ubadka iyo Naar ka badbaadinta nafta iyo reerka.

Eebbe wuxuu Aayaddiisa Qur’aanka ku leeyahay:

(Waxan qoraynaa waxay hormarsadeen iyo raadkooda) (Yaasiin:10) 

Aayadda micneheedu waxa weeye in aanu Eebbe qofka u qorayn oo qura camalka uu la yimaado inta uu nool yahay, balse waxa kaloo uu u qoraa raadka uu ka tago kolka uu geeriyoodo hadduu kheyr ahaa iyo hadduu shar ahaa intaba.

Haddaba, maadaama uu ubadku yahay raad aadane ka tago kan ugu weyn, Eebbe waxa uu waalidka u qoraa ajarka wixii wanaag ahoo uu ubadkiisu intu yarhayay sameeyo. Waxa kaluu waalidka geeriyooday u qoraa dembi wuxuu ubadku la yimaado, haddaanay barbaarintiisa markii hore xil iska saarin oo aanay wanaajin, isagoon ubadkiina dembiga kaga yaraynayn, waalidka inta uu u qoray in lamid ahna isaga laftiisu hadduu qaan-gaar yahay u qoraya.

Ubad barbaarintu waxa weeye shaqo aad ahmiyad u leh dareenka waalidnimo oo qurihina kuma filna sida xayawaanka kale, balse waxay u baahan tahay in la barto.

Eebbe wuxuu yiri:

(Dadka "Xaqa" rumeeyoow! ka dhawra naftiinna iyo qoysaskiinna Naar shidaalkeedu uu dad iyo dhagxaan yahay) (At-Taxriim: 6)

Waxa kaluu yiri:

 (Eebbe wuxu idinkala dardaarmayaa ubadkiinna) (An-Nisaa': 11)..

Cabdullaahi ibnu Cumar (RC) waxa uu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inu yiri: (Gebigiin waxaad tihiin raace, gebigiinna waxa la'idin weydinayaa wixii la idin raaciyay. Ninku wuxuu raace ka yahay reerkiisa, waana la weydiinayaa wixii la raaciya. Naagtu waxay raace ka tahay aqalka ninkeeda iyo ubadkiisa, waana la weydiinayaa wixii la raaciyay)[1].

Haddaba, ubadka uu Eebbe addoonkiisa ugu deeqaa waxa uu kamid yahay waxyaabaha uu ku imtixaanay, aakhirana wax ka weydiin doono. Qofku ubadkiisa indhuhu ugu doogsadaan, waa inuu marka hore Eebbe ku mahadiyo. Marka xiga, farriimihii Eebbe ee Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ina soo gaarsiiyay waa inu baraa, faraa, kuna tirtirsiiyaa, si ubadku u noqdo mid inta dunida la joogo dadkiisa iyo diintiisa anfaca, aakhirana Naar daran ka badbaada.

Qofka aadanaha ah marxaladda noloshiisa ugu horraysa ee ah carruurnimadu waxa weeye marxalad firfircooni, wuxuuna qofku lamid yahay warqad cad oo wax kasta in lagu qoro diyaar u ah. Ilmuhu marxaladdaas wuxu wataa abuurkii uu Eebbe ku abuuray, kaas oo ah tawxiidka Islaamka, hase yeeshee labadiisa waalid baa ama lumiya ama laammi iftiin badan mariya.

Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa laga weriyay: (Dhallaan kastaa fidrada "abuurka" ayuu ku dhashaa, hase yeeshee labadiisa waalid baa ama yuhuudi ka dhiga, ama nasraani amaba majuusi "dab-caabbud")[2].

Sidaas darteed buu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waallidka iyo intii ubad barbaarisa kula dardaarmay fursaddaas qaaliga ah inay ka faa'iidaystaan, warqaddaas cadna wax ubadka iyo iyagaba anfacaya  ku qoraan, maxaa yeelay hadduu ubadku qof suubban noqdo naftiisana wuu anfacayaa ta waalidkiisna wuu anfacayaa.

Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa laga weriyey: (Aadanuhu hadduu dhinto camalkiisu waa uu go'aa aan ka ahayn saddex; sadaqo socota "sida masjid uu dhisay", aqoon kedibkiis laga faa'ideysto "sida dugsiyo uu kiciyay" iyo ubad “kolka uu dhinto” usoo duceeya)[3].

Aadanuhu maanta waxa uu ku noolyahay dhakafaar iyo dhaqan yaab leh oo is-wada burrinaya, loogana meeriyo qalabka warbaahinta oo isagu idan la'aan guri karta gelaya. Qalabka warbaahinta oo uu Taleefishanku ugu horreeyaa wuxu noqday mid sun afuufaya ubadkana waqtigii uu cid gacan qabata, tubta toosanna haleeshiisa u baahnaa marin habaabinaya.

Waxa dhan walba naga hareeyay dukaamo khamriga iyo jirka dadka lagu iibiyo, Suuqyo dad soo wada dhar dhigtay daaf walba yaacayaan, dugsiyo iyo goobo shaqo oo laba laba la'isku wada haysto. Gaarigaad raacdo heesaha iyo muusikadaa qaylinaysa oo sigaarkaa qiiqaya. Waa duni wada waalatay oo daroogada iyo maandooriyeyaashu dariiq walba yaallaan. Ubad dayacmay iyo haween raggoodii wada dacwaynaya. Walaa Xawla walaa Quwata illaa bil-Laah.

Duruufta caynkaas ah een maanta ku noolnahay qofka diintiisa ku dheggani waxa uu ka dhiggan yahay qof dhimbil dab ah gacanta ku haysta. Waxa uu ka dhigan yahay sidii neef baadi ahoo xoolo aanu aqoon dhex galay oo shaki laga wada qabo, il feejignaan ahna lagu wada fiirinayo, waallina lagu xisaabayo. Qoftii haddaba naftiisa qabta, qoyskiisana toosiyaa waa qof hanuunay Eebbena hanuun kale ugu daray ee Alle kuwaas ha innagu daro.

Buuggaan waxan u qaybiyay lix baab oo sidan u habaysan:

Baabka 1aad: Guurka iyo doorashada Gacalka: Waxa weeye baab qeexayaa micnaha guud iyo ujeeddooyinka guurka. Waxa kaluu faahfaahinayaa sifooyinka gacalka la guursanayo lagu doorto iyo qodobbo kale oo muhiim ah. (FIIRO GAAR AH: Baabkaan Home Pagekaan kuma aanan darin).

Baabka 2aad: Dhallaanka: Waa baab sharxaya marxaladaha kala duwan ee uu uurjiifku maro, laga billaabo marka uu uurka galo ilaa uu ka dhalanayo. Waxa kaluu sharxayaa saansaanta guud ee dhallaanka ilaa uu abbaaraha laba sano jir ka gaarayo iyo xuquuqda uu waalidka ku leeyahay laga billaabo kolka uu ifka usoo boxo.  

Baabka 3aad: Barbaarinta Diinta iyo Akhlaaqda: Waa baab qadaa-dhigaya qaabkii ubadka loogu barbaarin lahaa hab diineed, taasi ooy ugu horrayso ashahaadada oo isla marka uu erey dhihid gaaraba loogu af billaabo, xalaashii iyo xaaraantii oo la kala baro, cibaadadii iyo Alle ka cabsigii oo la baro, siiradii Suubbanaha (SCW) oo la baro iyo akhlaaqdiisa oo la wanaajiyo lagana ilaaliyo waxyaabaha dhantaala sida; caayda, tuugada, koolkooliska iyo guud ahaan waxyaabaha kale ee ubadka dullowga u horseeda.          

Baabka 4aad: Barbaarinta Jirka & Maskaxda: Waa baab xoogga saaraya sidii ubadka xag jir iyo xag maskaxba looga barbaarin lahaa. Waxa uu sharxayaa sidii ubadka loo quudin lahaa, caafimaadkiisana loo daryeeli lahaa. Sidoo kale wuxuu kugu boorrinayaa inaad ubadka ka ilaalisid shilalka iyo aafooyinka kale ee caafimaadkiisa wax u dhima sida; sigaar cabista, caadada sirta ah, maandooriyeyaasha, sinada iyo wixii lamid ah. Wuxuu kugu boorrinayaa sidii aad ubadka aqoontiisa u dhisi lahayd, wacyigiisa guudna sare ugu qaadi lahayd        

Baabka 5aad: Barbaarinta Bulshada: Waa baabka ugu dheer uguna ahmiyadda badan buugga. Wuxuu sharxayaa sidii ilmaha yar xirxirnaanta looga bi’in lahaa, loogana dhigi lahaa mid furfurnaan iyo dad-la-dhaqan ku barbaara. Sidoo kale baabkani wuxuu faahfaahinayaa qaababkii loo dhawri lahaa xuquuqda dadka kale iyo anshaxii guud ee bulshada lagula dhaqmi lahaa.                                      

Baabka 6aad: Tabaha Barbaarinta: Kol haddaad waxyaabihii lama huraanka u ahaa barbaarinta ubadka dhan maskax, jir, diin iyo buklsho intaba baratay, waxa haray tabihii macluumaadkaas ubadka lagu gaarsiin lahaa, hadday ahaan lahayd tab; ku dayasho, tab baris, tab waano, tab kormeer, tab digniin, tab ciqaab, iwm. (FIIRO GAAR AH: Baabkaan Home Pagekaan kuma aanan darin).


Alloow wax na anfaca na bar, waxaad na bartana nagu anfac.

Alloow aqoon darrideenna inan qiranno nagu toosi, kol haddaad tiri:  

(Qof kastoo aqoon leh, qof ka aqoon badan baa jira) (Yuusuf: 76).

Alloow shaqada aan Buuggaan ka qabtay mid aan dartaa u qabtay iiga dhig, ajarkeedana agtaada iga sii. Alloow Nabigaaga Maxamed kuwa uu maalinta Aakhiro u shafeeci doono iga mid dhig. Alloow Hooyaday u dembi dhaaf, Alloow Aabbahay u dembi dhaaf, Alloow walaalahay u dembi dhaafi, xaaskayga iyo ubadkayga dembiyadooda dhaaf, Alloow cid kastoo wax i anfaca isoo bartay dembigeeda dhaaf, Alloow Muslin iyo Mu'min oo dhan mid dhintay iyo mid nool intaba u dembi dhaaf.

Alloow u naxariiso Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)  iyo qoyskii Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)  sidaad ugu naxariisatay Nabi Ibraahim (CS) iyo qoyskii Nabi Ibraahim (CS). Alloow barakee Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)  iyo qoyskii Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)  sidaad u barakaysay Nabi Ibraahim (CS) iyo qoyskii Nabi Ibraahim (CS), nabad gelyo xeeldheerna nabad geli.

Alloow Ibraahim (CS) wuxu ahaa addoonkaagii, nabigaagii iyo wadaygaagii, Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu ahaa addoonkaagii, gacalkaagii iyo nabiyaal kaad kusoo af-jartay, anna waxan ahay addoonkaagii. Alloow Ibraahim wuxuu kuu baryay Makka, Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu kuu baryay Madiina, anna waxan kuu baryayaa Muqdisha iyo meel kastooy Soomaaliyi degto. Alloow dhibka muddada dheer ina haystay naga qaad, quluubta ummaddana isjeclaysii. Alloow dalkeenna inoo barakee; moodkiisa, nooligiisa, suuskiisa, madaalkiisa iyo mirihiisa intaba. Aaaamiiin.

Gefkii buuggaan laga helo waxa mas’uuliyaddiisa leh naftayda iyo shaydaan. Haddaba Allaha awoodda leh waxan ka baryayaa inuu ii dhaafo, ciddii akhrisatana waxaan ka codsanayaa inay sida saxda ah iisoo sheegto si aan daabacaadda labaad uga saxo.



[1] Bukhaari (893, 1905, 2554, 2558, 2751, 5188, 5200), Muslim (1829/20).

[2] Bukhaari (1358, 1385, 6599), Muslim (2658).

[3] Muslim (1631/14), Ibnu-Maaja (241). Ereyadii Muslim.


 

 
   
 

Sabriye Moallin Musse

1865 Northway Dr. #21

North Mankato, MN 56003

U.S.A

05/31/2006

Email: sabkaxaaji@gmail.com

Email: sabkaxaaji@hotmail.com